Gabar yar oo lagu kufsaday kadibna lagu dilay AWDAL

Boorama (Caasimada Online) – Warar aan helayno ayaa sheegaya in degmada Lughaya ee gobolka Awdal lagu dilay gabadh yar oo da’deeda lagu sheegay Shan iyo toban jir, 16-kii bishan.

Marxuumadda oo magaceeda lagu sheegay Shukri Yuusuf Xuseen, ayaa ka hor inta aan la dilin lagula kacay fal kufsi ah, iyadoona markaasi si arxan daro ah dilkeeda loogu adeegsaday Birta loo yaqaano gudinta ee lagu jaro dhirta.

Falkaasi foosha xun ayaa xili habeenimo ah ka dhacay deegaanka Tuurka oo ka tirsan degmada Lughaya, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku sii daraya in Ciidamada Booliska Somaliland ay gacanta ku soo dhigeen Ninkii falkaasi fuliyey kadib muddo saacado ah oo baxsad ahaa.

Waxaana Ninkaasi loo soo qabtay falkaasi, isla xalayba loo soo wareejiyay xabsiga weyn ee magaalada Boorama, halkaasi oo uu ku xirnaan doono ilaa inta kiiskiisa maxkamadi xukumeyso.

Dhacdadan ayaa waxay lamid tahay Dhacdadii naxdinta laheyd ee Caa’isha Ilyaas loogu geystay magaalada Gaalkacyo, walow uu da’dooda farqi u dhaxeeyo labadan gabdhood hadana waxa isku mid ka dhigaya qaabka argagaxa leh ee ay ku sagootiyeen noloshooda bilowga aheyd.