Gabdhihii Canadian-ka ahaa ee xabsiga Hargeysa laga sii daayey oo soo bandhigay waxyaabo yaab leh

Hargeysa (Caasimada Online) ― Laba hablood oo u dhashay dalka Canada, oo bishii hore laga sii daayey xabsi ku yaala Somaliland ayaa waxay maanta soo bandhigeen sidii loola dhaqmay mudadii ay ku xirnaayen xabsigaas.

Labadan hablood oo warbaahinta dalka Canada u marameyay ayaa waxay u sheegay in si fool-xun loola dhaqmay intii xabsiga ay ku jireen.

Labadan hablood ayaa waxa lagu kala magacaaba Maymona Cabdi oo da’deedu tahay 28-jir iyo Karima Watts oo 24-jir ah, ayaa la xidhay bishii January, kuwaasi ciidamada boolisku ay kasoo qabteen guri ku yaala Hargeysa, iyada oo bishii hore la sii daayey.

Maymona Cabdi iyo Karima Watts ayaa markii hore waxay ka imaaden magaalada Ottawa ee dalka Canada, waxaanay maanta ka dageen garoonka diyaaradaha ee Toronto ee Pearson International Airport.

Ugu horeyntiina, Maymona Cabdi ayaa iyada oo la hadleysa warbaahinta dalkaasi, waxay sheegtay inay rumaysantahay in lagu sii daayey kadib markii ay warbaahintoodu ay wax ka qoreen xariga iyo tacadiyada ay la kulmeen, waxayna tiri:

“Waxaan dareemayaa xornimo farabadan. Hubaashi waxay ahayd waxa na soo maray wax adag. Anigu aadbaan u daalanahay oo aan u walaacsanahay”.

Maymouna Cabdi ayaa waxa kale oo ay intaasi ku dartay in xafiiska qunsuliyada Canada ee halkaasi aanu u caawin iyaga sidii ay uga baahnaayeen.

Waxaana warbixin diyaarsan oo ay aqriyeysay Maymouna Cabdi ay ku sheegtay in dad badani ay waydiinayeen sababta ay u tageen meel sidaas khatar u ah sida Somaliland oo kale. Iyadoona sheegtay inay u tageen waajibaad saarnaa oo ahaa inay caawiyaan dumar gabood-falo wajahayey.

Karima Watts iyo Maymouna Cabdi ayaa waxay si wada-jir ah u sheegen inay la kulmeen dhibaatooyin iyo tacadiyo nafsi ahaaneed oo ka soo gaaray xabsiga, iyagoona ka dhawaajiyey in loo diiday in dawo iyo biyo loo keeno, iyadoona sidoo kale loo diiday inay helaan la talin sharci.

Labadan hablood ayaa waxa hore loogu xukumay labo bilood iyo badh xarig ah, sida uu sheegay qareenkii u doodayey, kaasi oo sheegayna in dacwad oogihii kiisku aanu Maxkamada hor keenin wax cadeyn ah oo xaqiijinayey inay labadan hablood ay khamri cabeen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com