Maxamed Cali Yuusuf oo isku sharxay xilka Jubaland

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf ayaa maanta ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Xaflad ballaaran oo ka dhacday Hotel Diplomatic ee magaalada Muqdisho ayuu kaga dhawaaqay Musharax Maxamed Cali Yuusuf in uu u taagganyahay qabashada kursiga Jubbland, isagoona ku sheegay sababta ugu weyn ee ku qasabtay in ay tahay “Jubbaland darteed”.

Maxamed Cali oo khudbad dheer ka jeediyay goobta ayaa ku dheeraaday ahmiyadda Jubbaland ay u leedahay in uu dhaco is-badal waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Xilligu waa uu ina khasbayaa oo xaaladdu waa ay ina khasbaysaa, labaduba waxay nagu riixayaan in is-beddel ka dhaco Jubaland, is-beddel xididdada ka yimaada oo siyaasadda Jubaland ciid-rogid ku sameeya, kaas oo aanan ahayn qof ku beddel qof ama koox ku beddel koox, is-beddel horseeda nolol lagu naaloodo, is-beddel siyaasaddiisu tahay caddaalad iyo sharciga oo sarreeya, dhaqaalihiisu yahay wax soo-saar iyo dheef-wadaag, dhaqankiisu yahay jacayl iyo walaaltinimo, si arrinkaas loo gaaro, doorashadu waa in ay noqoto mid u dhacdo Jubaland Darteed oo ayan noqon mid u dhacda qof iyo qoys dartood, dad-waynaha Jubaland oo mideeya cududdooda, calafkooda iyo caqligooda”.

Musharraxa ayaa sheegay inuu horey uga soo noqday Jubbaland xildhibaan oo uu door ka soo qaatay dhismaha Jubbaland, xilligaa oo uu tilmaamay in uu si daacadnimo leh ugu soo shaqeeyay shacabka Jubbaland.

“Waxaan ku dhiirraday inan isu-taago qabashada xilka ugu sarreeya Jubbaland anigoo ogsoon xilliga adag iyo xaaladda khalafsan oo gabi-ahaan ay Soomaaliya mareyso , annigoo fahansan in deegaankeenu uu yahay  mid leh ahmiyad, taas oo kalifaya soo jiidashadda indhaha umaddaha caalamka .. annigoo yaqiinsan in hoggaanka uu waqtiga ka dhammaaday uu yahay mid ku fashilmay xilkii weynaa ee loo igmaday .. waxaan halkan ka sheegaya sababta aan ugu dhiirraday ka qeybgalka doorashadan inay tahay mid kaliya taas oo ah Jubbaland darteed”. ayuu yiri Maxamed Cali .

Siyaasiga Maxamed Cali ayaa sidoo kale kula dardaarmay shacabka deegaan weynaha Jubbaland in ay midoobaan, kana fiirsadaan cidda ay tahay in ay ku aaminaan mustaqbalkooda, waxuuna sheegay in haddii isaga ay doortaan uu sameyn doono is-badal muuqda oo horumar u horseeda dhammaan bulshada Jubbaland.

Waxuu sidoo kale ballan qaaday in Jubaland oo kuftay siyaasad ahaan, maamul ahaan, dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaan intaba uu kicinaayo sida uu hadalka u dhigay, waxuuna sheegay in dadkii xalaasha ahaa ee la kicin lahaana u keenayo si dadkeeda ay u gaaraan baraare iyo berya-samaad.

15-ka agoosto ee nagu soo addan ayaa lagu wadaa in ay doorashadii saddaxaad ka dhacdo maamulka Jubbaland xilli maamulka waqtigiisa sii dhammaanayo oo khilaaf xooggan kala dhaxeeyo dowladda dhexe uu cadaadis ku haayo musharixiinta taas oo intooda badan ku qasabtay in ay ku muujiyaan musharaxnimadooda meel ka baxsan deegaanada maamulka Jubbaland.

Si kastaba madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan marnaba dhici doonin in doorashada Jubbaland ay dhaafto maalinta loogu tala galay, wax walbana ay ku dhici doonaan xilliga loo qorsheeyay.