Arrin ka dhacday Xalane oo soo shaac baxday iyo askar Ugandees ah oo is-dishay

Muqdisho (Caasimada Online) – Askar ka mid ah ciidamada dowladda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa la sheegay inay isku dileen magaalada Muqdisho, waxaana la shaaciyay xogta la xiriira dagaal dhexmaray askarta.

Afar kamid ah ciidamada dowladda Uganda ayaa la sheegay inay geeriyoodeen kadib markii ay dhexdooda isku rasaaseeyeen magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay dhamaantood kamid ahaayeen saraakiisha AMISOM.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Khilaaf uu soo kala dhex galay mid kamid ah askarta  Uganda iyo kormeerihiisii, taasina waxay keentay in askariga uu toogto Kormeerihiisa iyo labo askari oo la joogtay.

Falkaan ayaa ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, waxaana ugu dambeyn askariga falka geystay la sheegay inuu naftiisa dilay, taasi oo si weyn looga hadal hayo xerada Xalane.

Afhayeenka Ciidanka Difaaca Uganda Brig Richard Karemire, ayaa xaqiijiyay dhacdadan, waxaana uu intaas raaciyay in Saraakiisha Uganda ay baaritaan ku hayaan kiiskan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ma sheegin waxa sababay falkan, sidoo kale ma sheegin magacyada Askarta isku leysay Xerada Xalane, waxaana uu ku gaabsaday in ay baaris ku sameynayaan.

Waa Dhacdadii ugu horeysay oo sanadkaan 2019 ay ciidamada Uganda ay isku dilaan magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdsho
Caasimada@live.com