Waare: “Malaa’ik noosoo degeysaa ma jirto shirkii Garoowe-na ma fashilmin”

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inuu aragti ahaan ka duwan yahay dadka shirkii magaalada Garowe ku tilmaamay inuu Fashilmay.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid bilow ah oo madaxda dalka ay kaga hadlayeen masiirka ummadda Soomaaliyeed, islamarkaana aysan jirin cid kale oo xal u raadin doonto ummadda oo aan madaxda aheyn.

Wuxuu sidoo kale sheegay in shirkaasi uu bilow ahaa, islamarkaana markale ay madaxda isku imaan doonaan iyaga oo ka arinsanaya xaaladaha dalka Soomaaliya.

“Runtii Shaqsi ahaan ma qabo sida loo fasiray iyo sida dadka uga deyrinaayaan, shirkaasi waa talaabtii ugu horeysay oo loo qaaday wadahadalka, waxaan ku kalsoonahay in arimaha noo yaalay si saraaxo leh looga hadlay”ayuu yiri Waare.

Waxa uu rajo wanaagsan la muujiyey in markale dib la isugu soo laaban doono,waxaana uu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay wax badan ka sugayaan, isla markaana wax walba wadahadal iyo heshiis lagu dhameyn doono.

Mudo 7 Cisho ah oo xiriir ah ayaa Magalada Garowe waxaa ku shiray Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka iyo Madaxda Dowlad goboleedyada, shirkaas oo lagu kala tegay, iyada oo aan wax natiijo ah aan kasoo bixin.

Hoos ka dhageyso codka madaxweyne Waare

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com