Axmed Madoobe oo hub ka dhigis ku sammeynaya ciidamada taabacsan DF

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la sheegay in Kismaayo uu ka bilaabay kulamo uu la qaadanayo Saraakiisha amaanka ee maamulka Jubbaland, gaar ahaan xubnaha aadka ugu dhow maamulkiisa.

Saraakiil katirsan Milateriga Magaalada Kismaayo ayaa Caasimada Online u sheegay in Saacadihii la soo dhaafay uu u yeeray Dhowr Sarkaal iyo la-taliyayaal uu leeyahay oo dhanka amaanka ah, waxayna kawada hadleen Xaaladda magaalada Kismaayo iyo doorashada 2019 ee hogaanka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa Saraakiishii uu la kulmay u sheegay in Kismaayo uu ka bilaabin doono qorshe hubka looga qaadayo dhamaan Ciidamada hubeysan ee taabacsan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada kale ee ka tirsan Maamulka Jubbaland ee ku dhow Musharaxiinta qaar.

Arrinta ayaa u muuqato beegsi loo geysanayo dhamaan Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Ciidan ee loo arko in ay ka hor imaan karaan Axmed Madoobe, kuwaas oo aan loo fiirin doonin oo kaliya in Dowladda ay ka tirsan yihiin balse sidoo kale laga dhax-raadin doono Ciidamada iyo Saraakiisha Jubbaland.

Howlgalkaan waxaa lagu wadaa in ay qayb ka qaataan Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo, kuwaas oo la aaminsanyahay in ay daacad u yihiin hogaanka Axmed Madoobe maadaama ay dano dhaqaale oo badan ay ku qabaan Gobalka Jubada Hoose, gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Qorshahan Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah dadaal uu ku xaqiijinayo in dowladda Soomaaliya aysan awood u yeelan inay fara-geliso doorashada maamulka Jubaland ee dhowaan dhacaysa.

Waxaa aad looga cabsi qabaa in Kismaayo ay mar kale marti geliso dagaalo Sokeeye oo dhiig badan ku daato, hadii aysan xaaladda sidaan iska badalin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com