Xog: Madaxweyne Farmaajo iyo beesha caalamka oo kulan deg deg ah yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay galab oo axad ahayd kulan deg deg ah la qaatay qaar kamid ah Wakiilada Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid albaabada u xiran yahay ayaa waxa uu dhaxmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Safiirada Mareykanka, Ingiriiska iyo Kusimaha Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.

Kulankaan oo dhacay markii uu kasoo laabtay Madaxweynaha Soomaaliya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa waxa uu ka dhacay qaybta VIP-da ee Garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xubnaha uu la kulmay warbixin ka siiyay kulankii Natiijo la’aanta ku soo dhamaaday ee magaalada Garowe.

Waxyaabaha sababay in Shirka lagu kala tago ayuu Madaxweyne Farmaajo faah faahiyay waxaana warar ay heshay Caasimada Online ay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada lagu eedeeyay in aysan ka fekerin dan Soomaaliyeed, balse ay ku kala tagayn qorshaha doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021 iyo tan 2019 ee maamulada Galmudug iyo Puntland.

Beesha Caalamka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya warbixin kadib u sheegay in ay ku soo warcelin doonaan oo ay soo saari doonaan go’aan wadajir oo ah ku saabsan Shirkii Garowe.

Beesha Caalamka ayaa aaminsan in dhinacyada ku shiray Garowe ay dhamaantood isku qabteen arrimo ku saabsan dano gaar ah halkii laga rabay in ay ka fekeraan dan guud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com