Gabdho SOMALI Kenyan ah oo Daacish ku biiray

Kenya (Caasimada Online) – Labo gabar oo muddo todobaadyo ah la weysanaa ayaa ku dhawaaqay iney ku bireen ururka Daacish ee ka dagaalama Syria iyo Iraq.

Gabdhahaasi oo tan iyo Arbacadii la weysanaa ayaa mid kamid ah waxay lasoo hadashay waalidkeed iyadoo sheegtay iney ku biireen Daacish sidaasina ay la socdaan.

Labada Gabdhood oo lagu kala magacaabo Salwa Cabdalla iyo Twafiqa Daahir waxay ku noolaayeen xaafad kamid ah magaalada Nairobi, waxaana da’dooda lgu sheegay 20 sano jiryaal.

Gabadha Twafiqa ayaa lasoo xiriirtay waalidkeed iyadoo Sheegtay iney ku sugan yihiin dalka Syria ayna ku biireen ururka Daacish ee ka dagaalama Syria.

Waalidiinta labada gabdhood ayaa walaac xoogan ka muujiyay hadalka kasoo yeeray mid kamid ah gabdhaha la weysanaa ee ah iney ku biren Daacish.

Ma jirto cid xaqiijin karto iney ku bireen Daacish iyo inkale marka laga soo tago hadalkooda  ah iney ku biireen Daacish.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com