Gen. Gabre & Afeey oo qaati laga taagan yahay

Kismaayo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay cadaalad darada lagu soo xulay baarlamaaanka maamulka Jubba, kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalooyinka uu ka arimiyo maamulka Jubba.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in cadaalad darada baarlamaanka Jubba ay ka dambeeyaan Maxamed Cabdi Afeey iyo Generaal Gabra.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in qaar kamid ah beelaha daga deegaanada maamulkaasi aysan helin xaq ahaan wixii ay lahaayeen oo ku aadan dhanka baarlamaanka maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in sidoo kale ay masuul ka yihiin dhibaatooyinka kale ee ka taagan magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale ee ku xeeran maamulka Jubba.

“Dhibaatada dhismaha baarlamaanka iyo in beelaha qaar xaqooda waayaan, waxaa masuul ka ah Gabra iyo ninka wakiilka u ah IGAD ee Afeey”ayuu yiri xildhibaan Magan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com