GAL-MUDUG oo sii deysay Iiraniyiin la qabtay !!

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney sii daayeen dooni ay saarnaayeen kaluumeysato u dhalatay dalka Iran,

Kaluumeysatada ayaa horaantii bishaan maxkamad ku taala magaalada Gaalkacyo waxay ku xukuntay xukun xabsi sanado ah, laakiin kaluumeysatada ayaa lasii daayay.

C/qaadir Cali Jaamac Qalabxoor, oo ah wasiirka kaluumeysiga Galmudug, ayaa sheegay in dadkaasi oo u dhashay Iran lasii daayay kadib markii xabsiga oo lacag loogu badalay ay iska bixiyeen.

“Nimankaan bilowga bishaan ayaan kasoo qabanay meel dhinaca waqooyi Hobyo kaga began ayaan kasoo qabanay iyaga oo kaluumeysana, 19 shaqaale ayaa saarnaa dhamaantood Iran ayay u dhasheen, maxkamad ayaa la saaray oo xukun ayaa ku dhacay”.

“Kaluun badan ayay wateen, dhamaan kaluunka waa laga sii gaday sababto ah iyaga ayaa soo dabtay, waxaana lagu kanaaxay 22 kun oo doolar, oo iyaga ayaa dalbaday in xariga ganaax loogu badalo”ayuu yiri Qalabxoor.