Galamudug oo tageysa New Deal

Gaalkacyo (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo maanta la hadlaayay wariyaasha ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka qaybgali doono shirka New Deal ee ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in maamulkiisa uu casuumaad ah uu ka helay Midowga Yurub, wuxuuna sheegay inta uusan u ambabixin Brussels in uu tagi doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Waxaan rabaa in aan maanta idiin sheego maamulka Galmudug wuxuu ka mid yahay maamulada lagu casuumay shirka Brussels, waxaana halkaas aan geen doono qorshaha maamulka u yaalla iyo wax yaabaha u hirgalay muddada uu jiray” ayuui yiri Cabdi Qeybdiid.

Wuxuu sheegay inay jiraan xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug oo hadda ku sugan Muqdisho kuwaas oo ka mid noqon doona wafdigiisa u ambabaxi doona Brussels.

Ugu dambeen Cabdi Qeybdiid madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa rajo ka muujiyay shirka Brussels oo uu sheegay in looga hadlayo arrimo muhiim u ah Soomaaliya.

Si kastaba, shirkan oo dhacaya bishan September 16-keeda waxaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya, waxaana qabanaya Midowga Yurub, waxaana looga gun lee yahay bal in beesha caalamka la tuso sida Soomaaliya ay u taageeri karaan.

Maamulka Puntland ayaa ka mid ah maamulada lagu casuumay shirkaas laakin ma cadda in ay ka qaybgali doonaan shirka Brussels maxaa yeeshay heshiiska Puntland iyo dowladda dhexe waayahan dambe ma wanaagsaneen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo