24.3 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

GALAYR oo war muhiim ah shaaciyey!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh, ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in maamulkiisa uu ka tirsan yahay islamarkaana hoos yimaado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Galaydh ayaa warkan ka sheegay wareysi uu siiyey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Galaydh waxa uu sheegay in isaga shaqsi ahaan uu la soo shaqeeyay Dowladan oo uu ka soo noqday xubin ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, sido kalena uu Ra’iisul Wasaare ka soo noqday Dalka, balse waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inaan lagu deg degin in caalamka aqoonsi loo raadsado.

Waxa uu Galaydh xaqiijiyey in maamulkiisa sida maamulada kale aysan ku deg degeyn inay sameystaan xiriir caalami ah, oo taasi ay kaga dambeeyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Cali Khaliif, waxa uu sidoo kale wareysigiisa uu aad uga hadlay arrimaha maamul goboledyadda Somaliland iyo Puntland.

Halkan hoose ka dhageyso Cali Khaliif Galaydh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News