GALMUDUG oo burburisay gaari siday qaraxyo culus

Gaalkacyo (Caasimada Online) –  Wararka naga soo gaarayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Galmudug ay xalay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolkaasi, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey deegaanka Godyaanyo oo dhaca koonfurta gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, halkaan oo maalmihii u dambeeyey ay dhaq-dhawaaqyo ka wadeen xoogaga Al-Shabaab.

Saraakiil u hadashay Galmudug ayaa sheegay inay burburiyeen gaari siday waxyaabaha qarxa, isla-markaana ay dileen xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab inta uu socday howlgalka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa in qarxyadaas ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah, isla-markaana ay ka hortageen, kadib xog ay heleen.

Ciidamada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay xubnahaasi doonayeen inay miinooyin ku aasaan wadooyinka isku xira gobolka Mudug.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku sugan yihiin koonfurta Mudug, gaar ahaan deegaano dhowaan lagu arkay Al-Shabaab.

Si kastaba , gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa weli ku xoogan dagaalyahanada Al-Shabaab oo weeraro culus kasoo abaabula halkaasi.