Galmudug oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan khilaafka ka jira DALKA

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa waxaa looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya iyo khilaafka kasii daraya ee doorashada dalka.

Maamulka Galmudug ee uu horkacayo Qoor Qoor inuu ad uga xun yahay xaaladaha soo kordhay, wuxuuna  sheegay inuu dhaawici karo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Qoor Qoor ayaa qaatay go’aan aan la fileyn, wuxuuna u muuqdaa inuu gaabsaday, marka loo eego Koonfur Galbeed oo si toos ah ula safatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Galmudug.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran,”.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday inay muhiim tahay ilaalinta hannaankii lagu heshiiyey, iyada sidoo kale soo jeedisay in khilaafka soo kordhay lagu xalliyo Masasha Golaha Wadatashiga Qaran ee dalka.

“Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka”.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo uu kasii darayo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, waxaana xalay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu guddiga FIET ka saaray xubno lagu eedeeyey inay fowdo ka dhex sameeyeen xarunta guddiga doorashooyinka dalka.

Waxaa sidoo kale soo shaac baxday warbixin kasoo baxday NISA oo lagu sheegay in Al-Shabaab ay maleegeyso qorshe lagu beegsanayo Farmaajo iyo Rooble, taas oo keentay shaki weyn, isla-markaana ku soo aaday, xilli horey ra’iisul wasaaruhu u shaaciyey in loo soo diray farriimo hanjabaadyo ah.