Galmudug oo digniin culus kasoo saartay qorshe la iskaga horkeenayo beelaha

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa digniin culus kasoo saaray qorshe uu sheegay in la iskaga horkeenayo beelaha, si ay u dagaalamaan maleeshiyaadka hubeysan.

Qorshahan ayuu maamulka sheegay in looga dan leeyahay koradhka isku dhacyada beelaha iyo dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, waxayna si gaar ah ugu digtay dad ay sheegtay inay ka shaqeynayaan arrintaas, islamarkaana ay ka waantooban.

La-taliyaha dhanka Amniga Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Jeneraal Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo arrintaas ka hadlay ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay in xilligaan xoogga la saaro dagaalka beelaha, iyada oo dalka uu ka socdo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

“Waayahaan shaqaaqooyinka soo laabtay ee meelo badan laga soo sheegayo in aan iraahdo walaalayaal looma baahno dagaal aan ahay midka argagixisada, maanta dagaalka keliya furan waa midka khawaariijta balse midka beelaha waa maja-xaabin,” ayuu yiri La-taliyaha Amniga ee Madaxweyne Qoor-Qoor.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadkaan waa walaalo aan meelna ku kala tageen, dhulkaan waa mid aan qaadmeyn ee hala iska daayo riix-riixa.”

La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in marnaba uu maamulka Galmudug aqbali doonin isku dhacyada beelaha, islamarkaana la xiri doono dadka ka dambeeya, “deegaanada dowlad-goboleedka Galmudug waxaa ka dhici karo oo keliya dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.”

“In aad Dumarka kufsataan oo carruurta kala dishaan idinka qudhiina nafta is dhaafsataan wax dan ah idinkuma jiraan, waxa ay dantu idin kugu jirtaa walaaltinimada, ehelnimada iyo isa-soo jiidashada, meel weliba oo dagaal beeleed ka jira waxaa ka faa’iideysanaya oo ku dhex dhuumanaya argagixisada,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku baaqay in loo wada istaago sidii wax looga qaban lahaa qorshaha laga iskaga horkeenayo beelaha, si uusan u wiiqmin dagaalka Shabaab oo dardar xooggan ku socda, “wax ka qabashada dagaal beeleedyada ha loo istaago, si loo badbaadiyo dadka waxyeellada kusoo gaarta.”

Digniintan ayaa imaneysa xilli deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug ay marar kala duwan ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya maleeshiyaad Beeleed, halka dilal la xiriira aanooyin loo geystay dad u badan haween iyo dhalinyaro.