Galmudug oo duulaan ku ah ciidanka Ahlu-Suna

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku hanjabay iney la wareegayaan deegaanada maamulka Ahlu sunna ay kaga sugan yihiin gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey, madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney ka warhayaan in deegaanada qaar amni daro ka jirto oo ay maamulaan kooxo gaar ah, sida uu sheegay.

Dhawaan ayuu sheegay iney la wareegi doonaan dhamana deegaanaa amni darada ay ka jirto, maadaama ay matalaan shacabka ku nool gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada amniga ay yihiin kuwo heegan buuxa ugu jira sidii ay ula dagaallami lahaayeen cid walba oo shacabka dhib ku haysa, kana hor imaaneysa maamulka Galmudug.

Dhuusamareeb ayuu sheegay in dhawaan ay gaari doonaan, islamarkaana sidoo kale ciidamada Galmudug ay wadaan dhaqdhaqaaqyo xooggan oo uu sheegay in lagu qabanayo degmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com