Galmudug oo Puntland ku eedeysay inay ‘xoog uga haysato’ dhul ballaaran

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa ka fal-celiyey heshiis cusub oo ay maamullada Galmdug iyo Puntland ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Falagle ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskaasi uu yahay mid milatari, isla-markaana ay si wadajir ah u saxiixeen wasiirada amniga ee labadaasi maamul oo daris ah.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa duray heshiiskani, wuxuuna sheegay in Puntland ay dhul ballaaran xoog heysto Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka amniga maamulka Galmudug ma carab-baabin halka uu ku yaallo dhulkaasi uu shaaciyey inuu Galmudug ‘uga maqan’ dhinaca Puntland.

“Iskaashi Milatari ayey Gaalkacyo ku kala saxiixdeen dowladaha Galmudug iyo Puntland, gaar ahaan wasiirada amniga, Fiqi iyo Galan,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Deegano Galmudug ah oo balaaran waxaa xoog  ku heysta Puntland,”.

Hadalkan oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa waxaa ka dhashay fal-celin aad u xoogan iyo hadal heyn badan, balse ma jirto illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ay Puntland ka bixisay eedeyntaasi culus ee loo jeediyey.