XOG: Yaa iska leh lacagtii shalay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa lacagtii dollarka aheyd ee ay shalay ciidamada ammaanka ku qabteen gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo ka timid dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in lacagtan ay laheyd gabar ganacsato ah oo magaceeda lagu sheegay Saabiriin Cabduqaadir Isaaq, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah ehelladeeda.

Saabiriin ayaa lagu soo warramayaa in lacagtan ay Kenya uga ganacsaneysay Dahab, waxaana waday oo lagu qabtay nin ay usoo dhiibatay oo wakiil u ahaa.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya Sabiriin Cabduqaadir Isaaq ay taleefanka kula hadleen ciidamada amniga, kadibna ay si deg deg ah kusoo gaartay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo haatan su’aallo dheeraad ah lagu weydiinayo.

Sidoo kale gabadhan ayaa sheeganeysa in lacagta la qabtay ay dhameyd illaa hal milyan oo dollar, iyadoo shalay Booliiska Soomalaiya uusan shaacin tirada lacagtaasi.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) uu shaaca ka qaaday in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde lagu qabtay lacag sharci darro ah oo dalka lasoo geliyey, kana timid Kenya.