Jeneral Koronto oo si kulul uga hadlay rasaaseyntii xalay ka dhacday Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – General Maxamuud Macalin Koronto oo ka tirsan Saraakiisha Militariga Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay rasaastii xalay lagu furay gaadiidkii uu la socday Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

General Maxamuud Macalin Koronto, Abaandulihii hore Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in uu ka ag-dhawaa Isgoyska Mirinaayada ee Degmada Cabdicasiis, markii lagu rasaaseynayay General Tuuryare.

“Wax si kedis ah ku dhacay maaha, run ahaantii aniga waan maqlayay xabadaha oo meesha gurigeyga ayaa ka dhow. Koley, koley waxaan u aragnaa daan-daansi beryahaan socdaya,” ayuu yiri General Koronto.

General Koronto oo ka barbar hadlayay shir jaraa’id oo General Tuuryare uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay inaysan wax wanaagsan ahayn in masuuliyiinta lagu arbusho wadooyinka.

“Ciidan haddii amar la siiyo waxaa la rabaa waajibka inay toos u aadaan, maaha inay dadka wadada maraya ama masuuliyiinta ahi ku xag-xagtaana,” ayuu yiri General Koronto oo xilal kala duwan ka soo qabtay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Jananka ayaa yiri “Haddii arrintan loo bareerayna waa sidii loogu bareeray, haddii aan loo bareerin-na koley, koley Saraakiishii ku soo baxay arrintan ayaa ka mid ahaa, koley jawaabteeda iyo waqtigeeda ayaan ka bixin doonnaa, si adagna waa uga bixin doonnaa, haddii Alle idmo.”

General Koronto oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ku kala irdhoobay arrimaha siyaasadda ee dalka.

Koronto oo Korneyl ahaa ayaa darajada S/Guuto waxaa loo dalacsiiyay 20-kii bishii October ee sanadkii 2017, waana maalmo ka dib qaraxii dadka badani ku dhinteen ee 14-kii bishaasi ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa dhinacyada mucaaradka ku eedeeyay inay hab beeleed u kala fur furayaan Ciidamadii Qaranka, oo dib-u-dhiskoodu sida uu sheegay dhibaato badan laga soo maray.

Khilaafka ka dhashay doorashooyinka dalka ayaa gaaray meeshii ugu adkeyd, waana markii ugu horeysay xiisad ceynkani oo kala ah labaatankii sano ee ugu dambeysay ee dib-u-dhiska Dowladnimada Soomaaliya.