GALMUDUG oo soo saartay qoraalkii ugu kululaa weerar culusna ku qaaday Kheyre (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – War saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay maamulka Galmudug oo ku qoran afka Ingiriiska ayaa maamulka Galmudug waxaa ay ku eedeeyeen R/W Xasan Cali Kheyre in uu ka danbeeyo burburinta maamulka Galmudug.

Waxaa ka mid ahaa eedeeymaha loo soo jeediyay R/W Kheyre, in uu isaga ka danbeeyay koox xildhibaano ah oo sheegay in aay xilka ka qaadeen madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kheyre uu ku bixinayo hantidii qaranka in lagu burburiyo maamul dhisan iyo madaxweyne curdin ah oo xilka hayo wax ka yar 5 bilood.

Waxaa maamulka uu sheegay in falka foosha xun ee ku kacay R/W Kheyre, sida ay hadalka u dhigeen, aay horseedi doonto xasilooni darri siyaasadeed oo ka dhalata dalka Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa yimid saacado kadib markii maxkamadda sare ee Galmudug ay sheegtay inay sharci tahay xil ka qaadistii madaxda Galmudug oo uu ku jiro madaxweyne, inkasta oo Xaaf uu sheegay inaysanba jirin maxkamad sare.

Halka hoose ka aqriso war saxaafadeedka