Sacuudiga oo sifo yaab leh ka bixiyey saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Sacuudiga ayaa walaac ba’an ka qabta dhismaha iyo shaqo galinta Saldhiga uu Turkiga ka dhisay duleedka magaalada Muqdisho.

Sacuudiga ayaa rumeysan in Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho uu halis ku yahay degnaanshiyaha ka jira dalka Sacuudiga.

Cabsida muuqata ee Sacuudiga ayaa ah mid la xiriirta suuragalnimada in dowlada Turkiga ay hubka culus ku rakibto Saldhiga, iyadoo laga gumaadaayo dalalka kasoo horjeeda maslaxada Turkiga.

Qoraal uu barta Twitter-ka kusoo qoray taxliiliyaha arrimaha Siyaasada dowladaha Islaamka Ibraahim Al-marci oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Sacuudiga, ayaa waxaa lagu qeexay qorshaha furitaanka Saldhiga Turkiga ee Somalia.

Wargeyska maalinlaha Al-riyadh oo xiganaaya qoraalka Al-marci ayaa sheegay in halista Saldhiga ay saameyn ku yeelan doonto xitaa dowladaha Masar, Sudan iyo Yemen.

Waxaa lagu sheegay in ujeedka fog ee Saldhigaasi uu yahay hoos u dhigista awoodaha carabta, maadaama loo arko inay u janjeeran danaha dowladaha saaxiibada la’ah ee reer Galbeedka, halka Turkiguna uu lid ku yahay danaha reer Galbeedka.

Waxaa lagu sheegay qoraalka in dowlada Turkiga ay adeegsatay awood Jilicsan iyo dhaxalka Taariikheed ee Muqdisho oo loo sii maray nidaam cajiib ah, sida loo dhigay qoraalka.

Dowlada Turkiga ayaa lagu eedeeyay in dowlada Somalia lagu indha sarcaadiyay dhaqaale joogta ah oo dhan 5 million oo dollar-ka Mareykanka ah, taa oo bil waliba lasiiyo DFS.

Waxaa sidoo kale Turkiga lagu eedeeyay in dowlada Somalia ay ku maskax rogtay marti gelinta 15,000 oo arday Somali ah oo wax ka barta Jaamacadaha Turkiga iyo in Dugsiyadda Turkish-ka laga furo gudaha Somalia.

Cabsida lagu muujiyay qoraalka ayaa waxa ay tahay in Saldhiga Turkiga laga gumaado dowladaha awooda Militery ku dhex leh adduunka.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Somalia ayaan dareensaneyn dhaliilaha ka dhashay furitanka Saldhiga Turkiga ee duleedka magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com