Maxaad kala socotaa qorshaha shirkadda la wareegtay dekadda Boosaaso?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha dekadda Magaalada boosaso waxaa socda qorsho ay shirkadda DP World ku dooneyso inay ku xadido howlwadeenada Dekadda.

Qorshahan shaqaale dhimista ayaa waxaa wada Saraakiisha shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaraadka Carabta kuwaa oo ka howlgala magaalada Bosaso.

Saraakiisha Shirkada ayaa sheegay in shaqaalaha ku xulan doonaan hanaan qabiil, si howlwadeenada nasiibka u yeelan doona shaqada uga soo kala jeedan dhammaan beelaha dega deegaanada maamulka Puntland.

Howlwadeenada la qorsheeyay inay ka howlgalaan dekadda Bosaso, ayaa lagu qiyaasay 70 ilaa 120 kuwaa oo shirkada ka kaafin doona dhammaan howlaha dekadda.

Howlwadeenada ay qaadan doonaan Saraakiisha shirkada uga wakiilka ah dekadda Bosaso, ayaa sidoo kale laga cabsi qabaa inay u weecdan beelaha qaar, waxaana xusid mudan in mas’uuliyiinta qaar ay xusul duub ugu jiraan shaqaaleysiinta dhalinyarada beeshooda ah.

Dadka shacabka ah ayaa waxa ay sheegen in arrintaan ay tahay talaabo horay loo qaaday balse ay wanaagsan tahay in wadatashiyo lagala sameeyo Shacabka Puntland si ay horumarkooda iyaga uga tashadaan.

Shacabka qar ayaa iyaguna aaminsan in tani ay dhibaato ku tahay Puntland islamarkana Go’aanka lagu wareejiyay Dekadda Boosaaso uu ahaa mid an lagala tashan.

Shirkadda DP World ee Wadanka Isutaga Imaraadka Carabta iyo maamulka Puntland ayaa April 6, 2017 magaaladda Abu dubai ku kala saxiixday heshiis 30 sanno ah oo lagu ballaarinayo laguna casriyaynayo Dekeda magaalada Bosaso ee Gobolka Bari.

Ugu danbeyntii, lacagta lagu maalgalinayo Mashruucan ayaa qiimo ahaa dhan $336 milyan oo dollar, iyadoo Shirkadda DP world ay wajiga kowaad ee mashruuca ay bixin doonto 200 milyan oo dollar, wajiga labaadna 136 milyan Doolar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com