Galmudug oo u hanjabtay hay’adda nabad-sugida Somalia kadib markii….

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa ku goodiyay inay xiriirka shaqo u jari doonaan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

Maamulka ayaa sheegay in Hay’adu ay ka gudubtay xadkii wada shaqeyneed, isla markaana ay amar la’aan Xabsi ku yaalla deegaanada maamulka kala baxday Maxbuus ku jiray gacanta maamulka.

Wasiirka Wasaarada Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taar Dhuleed oo la hadlay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inay ka dhabeyn doonaan joojinta xiriirka kala dhexeeya NISA, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa ka codsaday Hay’adda NISA in shaqsigii dhawaan ay kala baxeen Xabsi ku yaala deegaanada Maamulka Galmudug ay gacantooda dib ugu soo celiyaan.

Waxa uu ku caga jugleeyay in hadii dalabkooda aan laga soo jawaabin ay xiriirka u jari doonaan Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Wasiir Taar Dhuleed ayaa DFS ugu baaqay inay ka dhiidhiso waxa uu ugu yeeray Xadgudubka lagu sameeyay, waa haddii ay jirto kala danbeyn.

Si kastaba ha ahaatee, Taar Dhuleed ayaa cod dheer ku sheegay in Hay’adda NISA ay ka sugayaan jawaab ku aadan dalabkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com