GALMUDUG oo war ka soo saartay dagaaladii ka dhacay gobolka GALGADUUD

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey dagaal beeleedyo dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Falagle oo u warramay Shabelle Tv ayaa marka hore waxa laga xumaado ku tilmaamay dagaalladaas oo u dhexeeyey beelo ka soo kala jeeda Cadaado iyo Caabudwaaq.

Wasiirka ayaa tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen dagaalladaas, isaga oo ku dhaawac ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

“Deegaannadaas dad reer miyi ah ayaa isku laayey aad iyo aadna waan uga xunahay, waana ka tacsiyeyneynaa labada dhinac wixii ka dhintay,” ayuu yiri wasiir Falagle.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay qaadeen tallaabo looga hortegayo xiisaddaasi, isla-markaana ay ciidamo kala dhex-dhigeen maleeshiyaad diriray.

“Dowladda way ku baxday ciidamo ayaa la kala dhex-dhigay dagaal kadis ah oo ma aragtay wuxuu ahaa aan la’iska jirin oo meesha meel nabdoon ayey aheyd,” ayuu sii raaciyey.

Wasiirka warfaafinta Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa ka warbixiyey waxa ay salka ku heyso xiisaddaan, wuxuuna tilmaamay in biyo iyo dhul daaqsimeed la’isku qabtay.

“Waa wax salka ku hayo biyo iyo dhul daaqsimeed, maadaama ay abaaro ka jiraan dhulkaasi,” ayuu markale wareysigaan ku yiri wasiir Falagle.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo maalmihii u dambeeyey ay dagaallo qaraar ka dhaceen gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya illaa iyo 20 qof.