Gaalkacyo (Caasimada Online) – Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa u muuqda ineysan ka dhabeyn balanqaadkii loo sameeyay shacabka magaalada Gaalkacyo.
Balanqaadkaasi ayaa waxaa sameeyay madaxda maamulada labada dhinac ee gobolka Mudug, kaasi oo ahaa in shacabka isdhexgal bulsho sameyn doonaan.
Waxaa muuqata iney kala xiran tahay magaalada, gaar ahaan suuqa magaalada Gaalkacyo oo ku yaala halka kala qeybisa goobaha labada maamul kala maamulaan.
Qaar kamid ah shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa ka codsaday madaxda labada maamul iney ka dhabeeyaan balanqaadkii hore lana qaadaa ciida lagu kala xiray xaafadaha iyo suuqyada magaalada.


