Ganacsade Sheekeeye oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay rag hubeysan deegaanka Ceelasha Biyaha ugu geysteen ganacsade lagau magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekeeye, kaas oo si weyn looga yaqaanay duleedka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ragga dilka geystay ay ahaayeen burcad dooneysay inay taleefoonka ka dhacaan marxuumka, kuwaas oo goobta ka baxsaday.

Dad goobjoogayaal ah ayaa innoo sheegay in marxuumka iyo kooxda dishay ay murmeen, kadibna ay ku dhufteen dhowr xabadood, iyaga oo meesha isaga cararay.

Ganacsade Cabdiraxmaan Sheekeeye oo ay tacsidiisu si weyn u qabsatay baraha bulshada ayaa xilliga la dilayey kasoo baxay Masaajid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo maydka kasoo qaaday goobta, islamarkaana keenay Xarunta CID-da ee magaalada Muqdisho.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka deegaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey Muqdisho iyo daafaheeda, kuwaas oo ay cabasho ka muujinayaan shacabka