Ganacsade kale oo Soomaali ah oo lagu la’yahay Nairobi

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa lagu waayey nolol iyo geeri Maxamed Xasan oo 23 kii bisha la sheegay in laga watay dukaan uu ku lahaa magaalada Machakos oo aan sidaa uga sii fogeyn caasimada Kenya ee Nairobi.

Warbaahinta Kenya ayaa aad u warineysa sheekada Maxamed oo la la’yahay ku dhowaad 10 cisho, waxaana ehelladiisa ay dalbanayaan cadaalad iyo in lala raadiyo wiilkooda.

Booliska ayaa sidoo kale bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu raadinayo ganacsadaha maqan oo ah nij dhalinyaro ah, mana jirto illaa iyo hadda xog laga helay xaaladdiisa.

Cumar Xasan oo la dhashay ganacsadaha la la’yahay ayaa wariyeyaasha u sheegay in shaqsiyaadka watay walaalkii ay ugu tageen dukaankiisa, isla-markaana ay wadeen howl-galka dhaqan-gelinta tallaabooyinka ka hortagga cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

“Markii ay goobta yimaadeen sakhsiyaad la sheegay inay sameeyeen howlgalka dhaqan-gelinta tallaabooyinka ka hortagga Covid-19, waxay dadka weydinayeen afsaabka, dhammaan dadkii aanan wadan maaskarada wey baxsadeen, waxay ceyrsadeen Maxamed oo markii dambe ay ka qabteen dukaankiisa” ayuu yiri Cumar Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sameeyeen dadaallo ay ku baadi goobayaan wiilkooda, balse aysan weli helin, iyaga oo dalbaday in lala baadi goobo.

Nairobi ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey kusoo badanayey beegsiga ka dhanka ah ganacsatada Soomaalida, waxaana jirtay in bartamihii sanadkan lagu dilay dhowr qof.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: