DF oo shaacisay in Balcad ay ku dishay xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xaaladdi ay dagan tahay, isla-markaana degmadaasu ay dib uga baxeen xoogagii Al-Shabaab ee saaka gudaha u galay halkaasi.

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa muddo kooban gacanta ku hayey degmada, waxaana ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo inta ay joogeen halkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen hal askari, saddex kalena ay dhaawaceen, kadib markii ay dagaal ku galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo qaaday weerar gaadmo ah, balse ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay Al-Shabaab ka dileen illaa 9 xubnood inta uu socday iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa sidoo kale qoriga hoobiyaha ah ayaa waxaa uu ka dhacay qoys degan Xaafada Waaberi Star, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo laba ka mid ah uu dhaawacooda daran yahay, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Magaalada Balcad ayaa qiyaastii 35 KM u jira Muqdisho, waxayna muhiim u tahay isku socodka caasimadda iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle.

Si kastaba, waxa magaaladan oo istaraatiiji marar badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaqa kusoo qaaday dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: