Ganacsade lagu dilay Kismaayo & xog laga helay dilkiisa oo sheegysa in….

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaas xaley lagu dilau ganacsade magaalada caan ka ah.

Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa nin ka ganacsada qaadka ku toogtay meel ku dhow Isgoyska Somali Star oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan Kismaayo, dabadeedna waa ay baxsadeen sidda ay lee yihiin goobjoogayaal.

Dilka kaddib waxaa googta gaaray ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo howgallo ka sameeyay goobta dilka uu ka dhacay waxaana ay soo qabteen ilaa afar qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyaan dilka.

Ma cadda ilaa hadda sababta loo dilay ninkan ganacsadaha ah ee lagu dilay Kismaayo balse waxaa uu qeyb ka yahay dilal dhowr ah oo ka dhacay Kismaayo waayihii dambe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

Caasimada@live.com