WASIIR XILKII uu hayey laga qaaday oo sirtii Siilaanyo fashiliyey, carro darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii Xiriirka Golayaasha, Tiknoologiyada iyo Cilmi-baadhista Md. Aadan Axmed Warsame oo xilka laga qaaday Salaasadii toddobaadkan, ayaa fashiliyey inay jiraan shaqsiyaad laamaha dawliga ah ku xididaystay oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuula sidii shaqada looga fadhiisiin lahaa masuulka daacadda u ah xilgudashadooda, balse aan danaha shaqasiyaadkaas dhegaha u furin.

Md. Aadan Axmed Warsame oo Madaxweyne Siilaanyo shaqada ka caydhiyey, balse aan weli xilka wareejin, waxa uu tilmaamay in qof kastoo masuul ah caqabado aannu shaqadiisa ka wadan karin kala kulmo kooxo shaqsiyaad ah oo aannu magacaabin, laakiin uu ku sifeeyey inay yihiin qaar u ololeeya xil-ka-qaadista masuulka garashada dheer, sida daacadda ahna hawlahooda u qabta.

“Xilkii la ii igmaday aan si wanaagsan oo itaalkayga iyo garashadayda ku siman aan u gutay muddadii aan xilka hayey, balse waxa jira caqabado badan oo is biirsaday oo ku gadaaman nin kasta oo masuul ah, kuwaas oo mar walba raba inay fashiliyaan gudashada waajibka qaran ee masuulka, sidoo kalena waxa aan ka marag kacayaa in shaqsiyaadka ay shaqada qaran ka dhaqaaqi la’dahay yihiin kuwo ku xididaystay laamaha dawliga ah, isla markaana hadimooyinka iyo hagardaamada is-huwan ee ay habeen iyo maalin ka shaqaynayaan jiraan dad badan oo masuuliyiin ah oo dhagaha u raariciya iyo kuwo kale oo intan ka badan oo bulshadu u taqaan xil-sidayaal, laakiin tumaya durbaanno qabyaaladeed oo qarankan aan dan u ahayn, dulucdooduna tahay inay u ololeeyaan xil-ka-qaadista masuulka garashada dheer ee xilkiisa sida daacadda ah u gudanaya,” ayuu yidhi Md. Aadan Axmed Warsame.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa digreeto uu xilka kaga qaaday Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha, Tiknoologiyada iyo Cilmi-baadhista Md. Aadan Axmed Warsame ku sheegay inay tahay arrimo la xidhiidho dhibaatooyin uu sameeyey, cabashooyin is-daba joog ah oo laga muujiyey iyo hufnaan la’aan shaqo, taasoo muujinaysa in aannu wasiirkaasi si fiican xilkiisa u gudan.

Haseyeeshee, Mr. Aadan Axmed Warsame ayaa beeniyey jiritaanka sababaha Madaxwaynuhu u cuskaday xil ka qaadistiisa, waxaannnu arrimahaas ku sheegay qaar la buunbuuniyey oo aan xaqiiq ku fadhiyin.

“Madaxwaynuhu waa masuulkii qaranka. Wuu ku mahadsan yahay xilka uu ii dhiibay, xil-ka-qaadistuna waa hawl uu isagu awood dastuuri ah u leeyahay, mana diiddani inuu xilka iga qaado, waanan soo dhawaynayaa, balse waxaan ka biyo-diiday oo aan gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamayaa sababaha uu u cuskaday xil-ka-qaadistayda.

Madaxwaynaha xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeyay. Haddii ay cabasho iga dhan ah u timi, waxay ahayd si ay u sugnaato caddaallada arrinta uu ka garnaqayaa, inuu anigana ii yeedho oo wax iga waydiiyo, mase qaadin tallaabadaas. Iima yeedhin, waxna igama waydiin waxa la igaga cabanayo ee waxa uu ku-go’aan-qaatay hal dhinac. Gebi ahaan cabashooyinkaas iga dhanka ahaa ee uu Madaxwaynuhu dhagaystay waa kuwo la buunbuuniyay oo xaqiiqda ka fog, sidoo kalena aan sal iyo raad midna lahayn.”

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com