Ganacsatada oo canshuurta Al-Shabaab looga qaado xafiisyo u dhow Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Ganacsatada Muqdisho ayaa shaaciyay inaysan weli waxba iska bedelin lacagihii canshuuraha ahaa ee Al-Shabaab ka qaadi jirtay, xili ay dowladda federaalka Soomaaliya soo saartay go’aan mamnuucaya bixinta lacagahaasi.

Ganacsatada xoolaha qaarkood ayaa VOA la wadaagay dukumtiyo muujinaya in lacagihii Khawaarijta ay sidooda uga qaadan, maadama aysan weli jirin qorshe dhab ah oo dowladda ku wajaheyso arrintaan.

Ganacsatada la hadashay VOA ayaa sidoo kale shaaciyay in xafiisyo ku yaalla Muqdisho gudaheeda oo qaarkood ku yaalla meelo u dhow Villa Somalia ay Al-Shabaabka lacagta uga qaadaan.

“Lacagihii nagala qaadi jiray waxba iskama badalin tan iyo markii dowladda ay sheegtay in la joojiyo lacagaha la siiyo Al-Shabaab. Waxaa dhibaato kala kulana isbaaro u taalla Al-Shabaab deegaanka Buqda ee gobolka Hiiraan, haddii aan warqad ka wadan Dallada Dhoofinta Xoolaha kama gudbi karno isbaaradaas oo 40KM u jirta deegaanka Buulo-Burte,” ayuu yiri Ganacsade codkiisa iyo xogtiisa ay qarisay VOA oo la hadlay.

“Neefkii waxay Al-Shabaab ka qaada $10, halka Dallada ay ka qaado $4, taasi oo ku wada qoran waraaqda Dallada ay bixiso. Waxaa intaas dheer lacagaha zakada oo ah $25 sanadkii.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Dallada inay Al-Shabaab ku wargeliso haddii aysan ganacsatada bixin lacagtaas, inkasta oo arruntaas uu beeniyay masuul ka tirsan Dallada oo ay la xiriirtay. VOA.

“Wax canshuur ah oo aan ururino Al-Shabaab majirto, waxay Dallada ka diiwaan-gashan tahay Rugta Ganacsiga oo waxaa sharci ka haysana Wasaarada Xoolaha iyo Wasaarada Ganacsiga. Waa waxba kama jiraan waxaasi oo canshuur aan nimankaas u aruurino majirto,” ayuu yiri guddoomiyaha Dallada Dhoofinta Xoolaha.

Arrintaan ayaa sii xoojinaysa walaaca laga qabo in Al-Shabaab ay shaatiyo kala duwan u adeegsato qaadista canshuuraha ay ka qaadan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay kusoo aadeysa xili dowladda federaalka Soomaaliya ay wali wado dadaalo ku dooneyso inay ku joojiso ama ugu yaraan ku dhinto dhaqaalaha ay Al-Shabaab ka qaadaan ganacsatada.

Dowladda ayaa hore ugu tilmaamtay lacagaha laga qaado ganacsatada mid baad ah oo dhibaato loogu geysto shacabka Soomaaliyeed, ayada oo ku hanjabtay inay sharciga horgeyn doonto cidda ay ku cadaato arrintaas ee u fududeysa argagixisada.

Hoos ka dhageyso warbiixnta VOA