Daawo: Roobow oo ka horyimid arrin la qorsheynayo in Soomaaliya laga sameeyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in aysan suurta gal ahayn in la tiro koobo dadka Soomaaliyeed inta kooxda Al-Shabaab ka joogto.

Wasiir Mukhtaar ayaa soo jeediyey in kooxda Al-Shabaab laga xoreeyo dalka inta aan la sameyn tira koob ay qorshihiisa wado wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulanka uu Mukhtaar Roobow hadalkaan ka sheegay ayaa waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana looga arrinsanayey sidii dadka Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa tira koob sax ah.

Sidoo kale wasiir Mukhtaar Roobow ayaa qiray in tira koob lagu sameeyo dadka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay nabad geliyada iyo hiigsiga dowladnimo ee dalka.

“Diiwaan gelinta waxaa ka horeysa in ammaanka dalkaan la sugo oo awooda la isugu geeyo, nolol ma jirto ilaa ammaan la helo, kadib ayaa diiwaan gelin howsheeda la geli doonaa,” ayuu yiri.

Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in adduun uu aragti aan sax aheyn ka heysto tirada dadka Soomaaliyeed, “Soomaalidu waa dad badan markii la diiwaan geliyana adduunku waa la yaabi doonaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in wasaaradda diinta ay waajib ku tahay in wax kasta oo la sameynayo ay shareecada waafajiso, “Wax kasta oo la sameynayo waa in la hubo shareecadeena ma waafaqsan tahay, wax kasta oo diinta khilaafsan ma soca doonaan,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Hoos ka daawo