Document iyo sawirro cusub: Xagee ka baxday lacagtii lagu iibiyey dhulkii terabuunka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsato ka beec mushtara boobka hantida qaran iyo mida danta guud oo soo ishaartay dhulkii Terabuunka ayaa maamulka gobolka Banaadir ka iibiyay dhulkaasi oo ku yaal inta u dhaxeysa fagaaraha Terabuunka iyo isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan.

Qaabka lagu iibiyay dhulkaan ayaa ah mid farsameysan oo shacabka lagu qaldaayo, waxaana warqado documenti ah lagu muujiyay magacyo dad lagu sheegay inay yihiin dadka deegaanka ee dowladda hoose ka codsaday in loo sharciyeeyo, laakiin xaqiiqda ay yihiin dalaaliin iyo dad kale oo saami aad u yar laga siiyay dhulkaasi la boobay, shaqsiyaadka ku saxiixana in dhulka loo sharciyeeyay uusan midkood deganeyn dhulka Terabuunka.

Baaritaan dheer oo aan sameynay kadib markii ay soo shaac baxeen in la iibiyay dhulkii Terabuunka, waxaa ogaanay in ganacsato caan ah oo uu ka mid yahay guddoomiyaha ganacsatada Suuqa Bakaaro Xasan Mire iyo ganacsato kale, kuwaasi oo in ka badan labo milyan dollar maamulka gobolka Banaadir kaga iibsaday dhulkaasi danta guud.

Lacagta faraha badan ee dhulkaasi laga bixiyay ayaa la sheegay in loo adeegsaday ololihii doorashooyinka ee ka kala dhacay Cadaado iyo Jowhar oo lagu taageerayay xildhibaano taabacsan Villa Somalia.

Mar aan isku daynay inaan la xiriirno guddoomiyaha ganacsatada Bakaaro Xasan Mire ayaa inoo suurageli weyday inuu nala hadlo, inkastoo aan xiriir qadka taleefanka aan la sameynay si aan wax ugu weydiino arrimahaasi uu ku lug leeyahay.

Dhulkaan oo ku yaal inta u dhaxeysa isbitaalka Digfeer iyo Tarabuunka, wuxuuna ka kooban yahay 128 boos oo booskiiba ku fadhiyo 20×15, waxaana iminka lagu bilaabay jabis iyo loo kala googooyo.

48 boos oo ka mid ah ayaa la iibiyay, waxaana booskiiba oo ku fadhiya 20X15 lagu kala iibsaday 100,000 {Boqol Kun} Dollar.

Guddoomiyeyaashii horay usoo maray gobolka sida ayaa waxay sidaan oo kale u iibiyeen dhulalkii Wasaaradda xannaanada xoolaha ee loo yaqiin Waxool, dhulkii Dab damiskii Qaranka, dhulkii weynaa ee Siliga Madiina iyo dhulal fara badan.

Qoraalo documentiyo caddeynaayo heshiiskii dhukaasi lagu bixiyay, naqsahadiisa iyo heerarkii uu soo maray ayaa waxaa halkaan idiin kugu soo gudbineynaa.