Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay wadanka Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Wararka laga helayo wadanka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in dil iyo dhaawac loogu geystay labo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha wadankaasi, kadib markii ay weerar ku qaadeen kooxo burcad Afrikaan ah.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay goob ganacsi oo muwaadiniintaasi Soomaaliyeed ay ku lahaayeen xaafada Laanta Side B ee Tuulada Khayelitsha ee magaalada Cape Town, sida ay Caasimada Online u sheegeen qaar kamid ah ganacsatada.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Axmed Abuukar (Goobo Raambow), halka mid kale ee dhaawacmay la dhigay goob caafimaad oo ku taalla magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in burcadda ah ay sidoo kale weerartay dukaamo kale oo ay Soomaalidy ku lahaayeen halkaasi, balse ma jiro khasaare  ka dhashay

Sidoo kale waxaa meesha uu falku ka dhacay goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika, inkastoo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi.

Koonfur Afrika waxaa sanadkan 2021-ka iyo kii kasii horreeyey ee 2020-kii aad ugu soo badanayey dilka, dhaawaca iyo dhaca loo geysanayo ganacsatada ku dhaqan dalkaasi.