Xaaladda Jowhar oo ka dartay iyo wararkii ugu dambeeyey

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa inay sii gashay xaalad adag, kadib markii uu maalmihii lasoo dhaafay ku fatahay webiga Shabelle oo kar-kaaraha jabsaday.

Magaalada oo dhan ayaa go’doon gashay waxaana go’ay jidadkii magaalada, kuwaas oo sababay inay istaagaan isku socdka gaadiidka isaga kala goosha halkaasi.

Sidoo kale waxaa gabi ahaan xirmay garoonka diyaaradaha Jowhar, iyada oo haatan kaliya la adeegsanayo doono, si gudaha loogu galo magaaladaasi.

Cabdi Mahad Cabdullahi Qoorgaab oo ah wasiirka gargaarka iyo maareynta muusiibooyinka maamulka HirShabelle oo uu warrmayaVOA ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka jirta magaalada Jowhar, isaga oo sheegay in dhammaan uu istaagay isku socodka gaadiidka.

“Magaalada Jowhar waxa ay ku sugan tahay xaalad fatahaad ah, waxaana ku fatahay Wabiga Shabeelle oo biyo badan ka keenay labada buq ee Baarey & Mookey, Magaalada waxaa la isaga kala gudbayaa doon oo socodka Gaadiidka gudaha & Garoonka Diyaaradaha wuu istaagay” ayuu yiri Wasiir Cabdi Mahad oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda VOA-da.

HirShabelle ayaa haatan la taacaleysa xaalad adag oo ka dhalatay fahaadda webiga Shabelle oo marar badan kusoo noqo-noqtay gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.