Xog: Rag qaraxyo isku soo xiray oo Muqdisho soo galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa ajanabiga ah ee daggan Xarunta Xalane ayaa sheegay in ay heleen xogo amni oo muhiim ah, oo ku saabsan qaraxyo ka dhici kara magaalada Muqdisho.

Xogaha la helay ayaa warinaya in magaalada Muqdisho ay soo galeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kuwaas oo ka yimid dhinaca Shabeellada Hoose ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo doonaya inay weeraro is-miidaamin ah fuliyaan. 

Mas’uuliyiintan kuwa ammaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in kooxaha magaalada soo galay islamarkaana damacsan in ay is qarxiyaan ay gaarayaan illaa sideed qof. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaameysa in bartilmaameedku yahay Saldhigyada ciidamada wasaaradaha, hoteello iyo maqaayada. Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxdaan ay weerari karaan goobaha lagu badan yahay. 

Rag qaraxyada lagu soo xiray ee soo galay magaalada ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kuwaasoo qaraxii ugu dambeeyay ka fuliyay Saldhigga degmada Waabari ,waxaana ku dhintay dad u badan saraakiil ciidan. 

Sidoo kale maalmo ka hor waxaa baraha Bulshada lagu baahiyay qoraal lagu sheegay in uu ka soo baxay hay’adaha dagan Xalane, kuwaasoo ka digay qaraxyo ka dhaca Muqdisho oo maalmahan wajaheysa mashquul badan oo ka dhashay Farxadda Ciidul Fidriga.