Ciidamada DF oo soo qabtay ninkii dilay Sahra Muxumed

Balcad (Caasimada Online) – Nin la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Dowladda ayaa haweeney ganacsato ahayd waxa uu Jimcihii ku dilay Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Haweeneydan oo ka mid ahayd haweenka qaadka ku iibiya degmadaasi ayaa la sheegay in muran uu soo kala dhexgalay askarigaasi, ka hor intii aanu dilin.

Haweeneyda oo lagu magacaabi jiray Sahro Muxumed Cali Kulmiye (Sahro Dhagey) ayaa u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray rasaas uu huwiyay askarigaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in askariga uu ka baxsaday goobtii uu falka ka gaystay, waana wax yar uun ka dib, markii uu haweeneydaasi ku dilay Suuqa Balcad.

Ciidamada ammaanka oo hawlgalo lagu baadigoobayo ninka askariga ahi ka sameeyay Degmada Balcad ayaa waxaa u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan.

Askariga ayaa haatan ku xiran Saldhigga Booliska ee Degmada Balcad, waxayna qoyska marxuumadda dalbanayaan in sharciga la horkeeno.

Sahra Dhagey ayaa aad looga garanayay Degmada Balcad, oo 30km dhanka waqooyi ka xigta Magaalada Muqdisho.