DF Soomaaliya oo codsi u dirtay Golaha Ammaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cismaan Baalle ayaa si adag kaga hadlay weerarada iyo duqeymaha Israel ay ku heyso dhulka Falastiin, isaga oo shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay xun tahay falkaasi.

Sidoo kale Safiir Abuukar Cismaan Baalle ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday in ay si deg deg ah oo buuxda u siiyaan dadka reer Falastiin nabadgelyo, lana dhowro hantidooda iyo goobaha barakeysan.

Amb. Baalle ayaa xusay in dowladda federaalka ay shacabka Falastiin ku garab taagan tahay inay helaan xuquuqdooda oo dhammeystiran.

“Soomaaliya waxa ay Falastiin ku garab-taagan tahay in ay hesho xuquuqdeeda, waa in loo dhisaa Dowlad Madax bannaan oo Caasimadeedu tahay Qudus,” ayuu yiri Mr. Baalle.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladaha caalamka inay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ay haatan wajahayaan reer Falastiin.

“Xaaladda militari ee halista ah waa mid ka dhanka ah Falastiin, waxa aan bulshada caalmaka u soo jeedinayaa in si deg-deg ah wax looga qabto,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey u shaacisay mowqifkeeda ku aadan xiisada u dhexeysa Falastiin iyo Israel, iyada oo taageero u muujisay shacabka Falastiin.