Ganacsato Soomaali ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay KOONFUR AFRIKA

Johannesburg (Caasimada Online) – Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya ganacsato Soomaali ah oo xalay dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Koonfur Afrika.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka koowaad oo lagu dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Salmaan Cabdullahi Cismaan oo ku sugnaa magaalada Queenstown ee gobolka Eastern Cape.

Marxuumka ayaa waxaa weerar ku qaaday kooxo burcad Afrikaan ah oo markii hore la sheegay inay gacmaha ka xireen, kadibna ay dileen, iyaga oo u adeegsaday toorey.

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee ku dhaqan waddanka Koonfur Afrika oo ka warbixiyey dhacdadaasi ayaa sheegay in marxuunka uu kaligiis ahaa marka la soo weerarayey, isla-markaana ragga dilka geysatay ay sidoo kale dab qabadsiiyeen dukaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Booliska uu arrintan soo fara-geliyey, isla-markaana ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan falkaasi argagaxa leh.

“Marxuumka, kaligiis ayaa dukaanka joogay, sida ay Boliiska South Africa baaritaankooda ku sheegeen Dukaanka saqafka kore ayaa looga soo galay xilli uu Korontada ka maqneyd xaafadda, markii hore dadka waxay sheegeen in Marxuumka uu u dhintay koronto gubtay, balse saraakiisha dambi-baarista ayaa markii dambe xaqiijiyey in toorey dhabarka uga tiilay Salmaan, gacmaha xarig looga sirqiyey,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada.

Sidoo kale weerarka labaad oo isna ka dhacay degmada Cosmo City ee hoostaga magalada Johannesburg ayaa waxaa lagu dhaawacay muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cismaan Cabdullaahi Maxamed, kaas oo isna ay weerareen burcad kale.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale kooxdaasi ay dhac baahsan u geysteen dukaanka ganacsadahaasi, kadibna ay goobta isaga baxsadeem.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan ka dhaca dhibaatooyin xoogleh oo loo geysto Soomaalida ku dhaqan gudaha waddankaasi, kuwaas oo u tegay inay ka ganacsadaan.