Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ayaa lagu soo waramayaa inay qorshaynayso dib u farsamaynta gantaallo ay horay uga qabatay kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaasoo la helay ka hor intii aysan kooxdu ku guuleysan dhammaystirka farsameyntooda.
Gantaalladan ayaa loo arkaa inay yihiin hub muhiim ah oo haddii dib loo farsameeyo, loona adeegsado laga gaari karo ujeeddooyin amni oo muhiim u ah maamulka Puntland.
Xogaha soo baxaya ayaa sheegaya in dowladdu u wakiilan doonto farsamaynta gantaalladan khubaro aqoon iyo waayo-aragnimo u leh hubka noocan ah. Ujeeddadu waxay tahay in laga faa’iidaysto gantaalladan halkii la burburin lahaa ama si kale loo khasaajin lahaa. Tallaabadan ayaa qeyb ka noqon karta dadaallada Puntland ay ku xoojinayso awoodda difaaceed.
Ilo madax-bannaan ayaa xaqiijiyay in gantaalladan ay yihiin kuwo sahlan marka loo eego qiimaha ay ku kacayaan, balse haddii si sax ah loo farsameeyo ay yeelan karaan awood aad u weyn.
Waxaa la sheegaya in qaarkood ay gaarayaan masaafo dhan 700km, taasoo ka dhigaysa inay yihiin kuwo khatar ah haddii loo isticmaalo ujeeddooyin xun, balse sidoo kale noqon kara difaac muhiim ah haddii si mas’uuliyadi ku jirto loo adeegsado.
Inkastoo xogahan ay xooggan yihiin, haddana saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland oo aan isku daynay inaan la xiriirno si aan wax uga ogaano arrintan ayaa ka gaabsaday inay si toos ah uga hadlaan. Waxa ay taas muujinaysaa dareen amni oo weli saaran arrintan, iyadoo laga yaabo in ay jiraan xog dheeraad ah oo aan weli la shaacin.
Dib u farsamaynta hubkan waxaa lagu tilmaami karaa fursad Puntland u heshay sidii ay si waxtar leh uga faa’iidaysan lahayd qalab uu cadowgu horay ugu tala-galay inuu dhibaato ku geysto.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli gobolka uu wajahayo caqabado amni oo isa soo taraya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah. Sidaa darteed, dib u adeegsiga gantaallada la qabtay ayaa noqon kara mid dhanka amniga ka xoojiya Puntland haddii loo maareeyo si xirfadeysan oo hufan.

