Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka oo doortay guddoon cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada waqooyi ee Somaliland, gaar ahaan garabka uu soo magacaabay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Garabkaan oo ka kooban afar qof ayaa guddoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, halka gudoomiye ku xigeen ay u doorteen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Doorashadaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo galabta ay guddoon doorteen todobadii xubnood oo kale ee guddigaan, kuwaas oo afar kamid ah uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, halka seddaxda kale uu soo magacaabay R/Wasaare Rooble.

Wasiirkii hore ee warfaafinta, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee la safan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook-ga waxa uu hambalyo ugu diray xubnaha cusub ee guddoonka ay u doorteen afartii xubnood ee Cabdi Xaashi uu soo magacaabay

“Waxaan hambalyo u dirayaa Gudoonka cusub ee ay galabta doorteen Gudiga Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee Somaliland oo Gudoomiye u doortay Suleyman Caydiid Cismaan, Gudoomiye ku xigeenna u doortay Cabdishakuur Abiib Hayir.Doorashada Gudoonka waxaa goobjoog ka ahaa Gudiga Doorashada ee heer Federaal. waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Maareeye.

Bogga Facebook ee Guddiga Doorashada FIET, ayaa galabta lagu shaaciyey doorashada guddoonka 7-da xubnood ee Mahdi iyo Rooble ay soo magacaabeen, kuwaas Khadar Xariir Xuseen u doortay guddoomiyaha guddiga, halka guddoomiye ku xigeen ay u doorteen Najiib Xuseen Samaale.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah siyaasiyiinta garabka guddoomiye Cabdi Xaashi, xubnaha ugu jira guddiga laguma soo war-gelin doorashadaan, waxayna ka war heleen garabkii kale oo doortay guddoon, taas oo keentay in iyaguna ay caawa doortaan guddoon kale.

Sida muuqata khilaafkii siyaasiyiinta labada garab ee gobollada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, waxaana xubnaha guddiga ee labada garab markii horaba khilaafkaas dartiis loo kala dejiyey laba hotel.

Kolkii hore waxaa taagneed dood ah in guddoonka ay soo doortaan 8-da xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, iyadoo doorashada guddoonka aan laga qeyb gelineyn seddaxda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble, waxaana doodaas keenay garabka Cabdi Xaashi.