Gareth Bale: Waxaan ku daysadaa Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Tottenham Gareth Bale ayaa sheegay inuu ku daysado xidiga kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo, ka dib markii uu labadii sano ee dambeysay la yaab ka dhigay goolka hortiisa.

Bale ayaa sagaal gool ka dhaliyey Premier League isagoo ka ciyaaraya garabka xilli ciyaareedkaan wuxuuna ahaa mid weerarka ku fiican. Ninka uu isla meel dhigay, Ronaldo ayaa 14 gool isna ka dhaliyey La Liga intii lagu jiray 2012-13, xidiga heerka caalami ee dalka Wales ayaana la dhacsan 27-jirkaas, wuxuuna ka dhigtay midka uu ku daysado.

“Maalmihii dhowaa wax walba waa kala duwanaayeen, waa inaad sameeysaa wax yaabo cusub, ama aad wax raali gelin ah ka sameysaa garoonka dhexdiisa,” ayuu Bale u sheegay ESPN.

“Sida Cristiano Ronaldo – maba waayo fursad u timaada waqtiyada dhowaa wixii uu sameynaayey. Wixii uu sameeyo ayaan ana sameeyaa. Waa qofka aan ku daysado.”