Garoonka Baydhaba oo laga dhax dhisay xabsi loogu talo-galay mucaaradka – Xog

Baydhaba (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay laga dhisay xabsi ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada, kaas oo ay soo baxayaan warar dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada laga leeyahay. 

Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xubno kamid ah hay’adaha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in uu jiro xabsigaas, islamarkaana loo qorsheeyay in lagu xiro dadka ka soo daga garoonka iyo kuwa ka duulaya ee maamulka u arko in ay halis ku yihiin ammaanka.

Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta gudaha Muqdisho u xaqiijiyay jiritaanka xabsiga iyo walaaca ay qabaan Murashaxiinta mucaaradka ah. 

“Waxaan xaqiijinayaa in dhowaan xarigga laga jaray xabsi weyn oo ku dhax-yaala garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba, waxaana loogu talagalay siyaasiyiinta ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Lafta-gareen,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo la hadlay warbaahinta Muqdisho. 

Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay maamul aad u caburiya dadka aan ku aragtida aheyn hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Lafta-gareen sidoo kale waa madaxweyne goboleedka ugu daacadsan taabiciyiinta Farmaajo, waxaana la filayaa in xildhibaanada Koonfur Galbeed badankood uu ka dhigo kuwa uu soo qoranayo Farmaajo.