Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo shaqadiisa billaabaya

Beledwayne (Caasimada Online) Xaflad lagu furaayay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa halkaas lagu qabtay.

Garoonka ayaa la sheegay in lagu sameeyay dayactir  taasoo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay uu ka socday.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa waxyeello ay ka soo gaartay roobab xoog leh oo bishii September ee sanadkii hore ka da’ay gobolka Hiiraan.

Ugu horreen munaasabada waxaa ka hadlay taliyaha ciidamada AMISOM Kornayl Cismaan Dubbad oo sheegay in  ay soo gabagabeeyeen dayactirka ay ku sameynayeen garoonka Ugaas Khaliif  isla markaana ay ku saa’idiyeen dhismaha garoonka dhismo kale.

Mareeyaha guud ee garoonka Ugaas Khaliif ayaa sheegay in garoonka howasha lagu dayactiray ay ku baxday lagu ku dhow 5,00 oo dollar.

Wuxuu u mahadceliyay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Jabuuti.

Injineerrada dayactirka ku sameeyay garoonka ayaa sheegay in ay suurta geliyeen in garoonku uu si wanaagsan u shaqeeyo isla markaaan ay ku soo degaan noocyo kala duwan oo diyaarado ah.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ayaa la sheegayaa in hadda uu ku billowday duulimaad maalintii ka yimaada magaalada Muqidsho, kaasoo ay keento diyaarad yer oo ka shaqeeysa gobalada dalka.

Ammaanka garoonka waxa si wayn u sugan  ciidamada AMISOM oo halkaas ku sugan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baladweyne