Madaxweynaha Somalia iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Brussels

Brussels (Caasimada Online) Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxwene Xasan Shiikh ayaa lagu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay gaareen xarunta midowga yurub  ee Brussels.

Caasimada Online ayaa ahayd warbaahintii ugu horeysay ee shaacisay booqahsada madaxweynaha shalay. Halkan aqri.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ka helay casuumaad rasmi ah ururka Midowga Yurub. Madaxweynaha ayaa wuxuu kulamo la qaadan doonaa Madax kala duwan ee ka tirsan Midowga Yurub.

Safaradda Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu qeyb ka yahay Lixda Tiir Siyaasadeed ee dowlladda oo ku aadan in sare loo qaado xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka caalamka.

Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in dhamaan Madaxda Dowladdaha Afrika, Xoghaya Guud ee Qaramadda Middobay, iyo Midowga Yurub in dhamaan ay aad u soo dhaweeyeen safarkii uu Madaxweynaha ku tagay dalka Maraykanka iyo aqoonsigii dhawaan dalkaas uu aqoonsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib muddo kor u dhaafaysa 20sanno.

Madaxweynaha iyo wafdigga la socda ayaa ka qaybgalay shir madaxeedka Midowga Africa oo ka dhacay Addia Ababa.

Wafdigga madaxweynaha waxaa ka mid ah ra’iisal wasaarwe ahna wasiirka arrimaha dibadda Marwo Fawziyo Yusuf Adam, wasiirul dowlaha madaxtooyadda Faarax Sheekh Cabdul-Qaadir, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiyo Mudane Siciid Yusuf Nuur, iyo qaar ka mid ah la-taliyayayaasha Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Addis Ababa waxa uu  la kulmay madaxa labaad ee Bankiga aduunka mudane Makhtar Diap iyo wafdi uu hogaaminayay,waxaana ay ka hadleen qaabkii Bankiga Aduunka uga kaalmeyn lahaay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay horumar ka gaarto dhinaca hab- maamuleedka dakhliga iyo canshuuraha.

Si kastaba shirka midowga oo ah kii 20-aad ayaa lasoo gabagabeeyay, waxana uu Soomaaliya u noqonayaa mid taarikhi ah maadaama Madaxweynaha lagu casuumay in uu khudbad dheer oo ka hadlayso arimo badan oo muhiim ah ka jeediyo oo ay ka mid yihiin Amniga, la dagaalanka Musuqmaasuqa deris-wanaag iyo horumar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi