24.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Garyaqaan iyo Yuu Boss oo loo xiray kiis xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay soo xiray Mahad Maxamud Xamarow (Garyaqaan) iyo Yuusuf Xasan (Yuu Boss) oo labaduba kamid ah dhalinyarada caanka ah baraha bulshada, gaar ahaan aaladda TikTok.

Garyaqaan iyo Yuu Boss ayaa lagu xiray saldhigga degmada Hodan, iyada oo Booliska uu sheegay inay wajihi doonaan cadaaladda, lana horgeyn doono maxkamad.

Labada eedeysane ayaa lagu eedeeyay kiis xasaasi ah, gaar ahaan kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Booliska.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan, Saldhigga Boliiska Hodan ayaa soo xiray eedeysane Mahad Maxamud Xamarow Garyaqaan. Eedeysanaha ayaa loo xiray ku lug lahaasho kicin dadweyne & Qalqalgalin amni, waxaa la horgeydoonaa Maxkammada Awooda u leh” ayuu yiri Warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo uu Boolisku farriin u diray shacabka, isaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga, soona wargeliyaan wax kasta oo liddi ku ah ammaanka.

“Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka liddi ku ah la xariir xafiiska gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991 WABILAAHI-TOWFIIQ” ayuu lasii raaciyay.

Horay Booliska Soomaaliya ayaa u xiray dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyay isku dirka qabaa’illada, waxaana la horgeeyay maxkamad, inkastoo markii dambe lasii daayay kadib xukun ku dhacay.

- Advertisement -

Read more

Local News