Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Sabtidii ka qayb-galay xarrig jarka xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa jeediyay khubad xasaasi ah oo ku amaanay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo xukuumaddiisa.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marka hore qiray in gobolka uu ku tallaabsanayo horumar, isaga oo si gaar ah u xusay dalalka ay dariska yihiin Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.
Sidoo kale wuxuu carrabka ku dhuftay in isaga hogzaamiyeyaasha kale ay ku daba faylayaan Ra’iisul wasaare Abiy, oo uu ku bogaadiyay waxqabadkiisa.
“Soomaaliya hanoolaato, Kenya hanoolaato, Itoobiya hanoolaato, kulligeena odaygaan Abiy Axmed baan daba soconeynaa” ayuu yiri madaxweynuhu.
Waxaa kale oo uu ku taliyay in laga wada shaqeeyo midnimada iyo wadajirka bulshada, si looga faa’iideysto fursaha jira ee guud ahaan gobolka.
“Anigu waxaan ku talinayaa la midoobo horay loo socdo, qofna lagu reebin cidlada” ayuu mar kale yiri Ismaaciil Cumar Geelle.
Dhankiisa, madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalka qaatay ayaa si gaar ah u bogaadiyay Soomaalida, wuxuuna ku adkeeyay midnimadooda, si ay u sameeyaan horumar intaasi ka ballaaran.
“Soomaalidu waa dad walaalo ah waxaa laga shaqeynaa sidii loo mideyn lahaa oo ay u wadajiri lahaayeen” ayuu isna yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

