Garyaqaan si cajiib ah u fasiray sharci ahaanshaha hadalkii Cabdi Weli Gaas

London (Caasimada Online) – Garyaqaan Fu’aad Daahir oo ka mid ah Maamulka Khaatumo, ayaa isaga oo ka qeybgalay dood ka baxday mid ka mid ah TV-yada gaarka loo leeyahay ee Soomaalida, waxa uu ku tilmaamay hadalkii Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas uu ku sheegay inuu xiriirka ugu jaray Dowladda dhexe ee Soomaaliya in sharci ahaan uu ahaa mid ka hor imaanaya hannaanka sharciyadeed ee caalamiga ah.

Waxa uu xusay in haddiiba xiriir la yeelanayo ama la isku jarayo in labo dowladood oo keliya ay xiriirka isu jari karaan, balse aysan suurtagal aheyn in maamul hoos taga Dowladda dhexe ay hadalo ceynkaas ah ku hadaaqaan.

Garyaqaan Fu’aad wuxuu soo jeediyey in Dowladda dhexe, gaar ahaan Madaxweynaha in looga baahan yahay inay horseedaan in loo laabto sharciga la wada dhigtay, oo sharciguna uusan noqon buug qof kastaba sida ay la tahay uu u fasiranayo, ee uu noqdo rukni sax ah, mar kastana lagu kala bixi karo.

“C/weli Gaas marka uu leeyahay xiriirka ayaan u jarnay Dowladda Soomaaliya, marka hore yeey xiriir la lahaayeen oo ay xiriirka u jareen, waxaan rabay inaan su’aashaasi weydiiyo ? Dalka Dowlad ayaa ka jirta, Dowladaas waxey madax u tahay dalka oo dhan, xiriir lama yeelan karto Maamul Goboleed ay iyada u taliso” Ayuu yiri Garyaqaan Fu’aad.

Waxa uu intaasi sii raaciyey inuu u soo jeedinayo Cabdiweli Gaas iyo shaqsiyaadka la mid ah in ay carqalada iyo dhagaxtuurka bilaashka ah ka daayaan Madaxda sare ee Dowladda, si isaga iyo qolyaha kale ee la midka ah haddii ba ay berri ku guuleystaan xilka ugu sareeya dalka loola shaqeeyo.

“Labo Dowladood ayaa xiriir wada yeelan kara oo haddana xiriirka kala goosan kara. Gaas haddii uu yiraa Soomaaliya ayaan ka mid ahay waa inuu u hogaansamaa Madaxda sare, haddiise uu Soomaaliya ka go’ayo ha inoo caddeeyo, oo sida Somaliland ha yiraa waxaan nahay dal madax-bannaan. Maxey tahay xiriirka ayaan kala noqday; bal waa kaase Somaliland ha laga maqlo xiriir ayaan u jarnay Dowladda Soomaaliya. Maamul Goboleed hal beel ka kooban sharci ma ahan inuu yiraa; Dowladdii ayaan xiriirka kala noqday. Dowladdu iyadaa dalka ka talisa, adigana waxaad tahay shacabkii” Ayuu ku dooday Garyaqaan Fu’aad oo ka hadlayey aragtidiisi shaqsiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com