Ruux ku labisnaa DHARKA Dumarka oo goor dhow gacanta lagu soo dhigay

Boorama (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal, ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ay goor dhow gacanta ku dhigeen Nin ku labisnaa dharka Dumarka oo ka adeeganaayay Suuqa-weyn ee Boorama.

Cabdi Barre Kheyre oo ah Taliyaha Saldhiga Weyn ee Boliska, ayaa Idaacada VOA-da u xaqiijiyay in Ninkaasi ay ku qabteen Suuqa xilli uu ku howlanaa iibsashada Adeeg.

Taliyaha ayaa sheegay in Ruuxaasi uu watay dharka Dumarka Indha sharer iyo Xijaab weyn, waxa uuna Taliyuhu sheegay in Gabar goobta ku sugneyd ay ka shakisay socodkiisa sidaana uu ku fashilmay.

Ma jiro Faah-Faahino dheeri ah oo ay bixiyeen Laamaha Ammaanka Magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal, waxaana la tilmaamayaa in ruuxaasi lagu sameynaayo Baaritaan adag.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com