MADAXWEYNE lagu doortay Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Sida uu oo soo sheegay wiyaha Caasimada Online ee Baydhabo, waxaa maanta xarunta madaxtooyada Baydhabo ka dhacday xaflad lagu doortay madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Xafladda doorashada oo ay ka qeybgaleyn wakiilo ka socda maamulka iyo mas’uuliyiin kale ayaa lagu doortay Jeylaani Abuukar Jimcaale, isagoona noqonaya madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Madoobe Nuunow Maxamed oo hoggaamiya maamulkan ayaa xafladda ka sheegay in aad ugu faraxsan yahay qaabka ay u dhacday doorshadda, wuxuuna sheegay in maamulkiisa uu dardar galin doono howlaha hor yaalla.
Sidoo kale isla maanta waxaa lagu doortay Baydhabo guddi 11 xubnood ah kuwaasoo ka shaqeeya doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka lixda gobal ee koonfur.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo dhawaan magaalada Baydhabo ay gaareyn guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeya dhammeestirka maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, kuwaasoo Muqdisho lagu dhisay.

Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa si cad ah u sheegay in ay taageersan yihiin maamulka seddaxda gobal ee koonfur galbeed, balse Madoobe Nuunow ayaa weli ku adkeesanaya in uu yahay madaxweynaha maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com